AKHRISO:- Doorashada kuraas kamid ah Golaha Shacabka oo ka dhacday Muqdisho & Dhuusamareeb

0

Guddiga doorashooyinka Heer dowlad Goboleed ee Galmudug ayaa Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ku qabtay doorashada Afartii kursi ee ugu dambeeysay kuraasta taalla Magaalada Dhuusamareeb halka Guddiga doorashooyinka Beelaha Banaadiriga ay qabteen Muqdisho doorashada Shanta Kursi ee Beelaha Banaadiriga ku leeyihiin Golaha Shacabka.

Kursiga 1aad ee HOP#012 oo doorashadiisa ka dhacday Dhuusamareeb ayaa waxaa markale ku guuleystay Yuusuf Xeyle Jimcaale oo kursigaan horay ugu fadhiyay, isaga oo helay codad gaaraya 93 Cod.

Kursiga labaad ee Hop#048 ayaa waxaa ku guuleysatay faa’iso Maxamed Jeyte oo heshay codad gaaraya 96 Cod, waxaana kursigaan horay ugu fadhiyay Janeraal Cabdullaahi Gaafow Maxamuud.

Kursiga Saddexaad ee Hop#137 oo uu horay ugu fadhiyay Saadaq Cabdi Kariin Xaaji Ibraahim ayaa waxaa Maanta ku guuleystay Cabdirisaaq Aadan Warsame (Xusul) ,isaga oo helay codad gaaraya 92 Cod.

Kursiga Afaraad ee ugu dambeeyay doorashada kuraasta taalla Dhuusamareeb ee Hop#071 ayaa waxaa markale ku guuleystay  Wasiirka Dekadaha & Gaadiidka Badda Galmudug Cabdi Saabir Shuuriye oo kursigaan horay ugu fadhiyay, waxaana uu helay 80 Cod.

Dhinaca kale guddiga Maamulka doorashooyinka Beelaha Banaadiriga ayaa qabtay doorashada Shanta kursi ay ku leeyihiin Golaha Shacabka, kuwaas oo ay dhamaan ku guuleysteen dad Cusub, iyada oo meesha laga saaray kuwii horay ugu fadhiyay, waxaana ay kala yihiin.

Kursiga Koowaad ee Hop#034 oo uu ku fadhiyah Khaalid Macoow Cabduqaadir ayaa waxaa ku guuleysatay Safiirka Soomaaliya ee dalka Hindiya Khadiijo Maxamed Al Maqsuumi, waxaana kursigaan uu ahaa mid buuq badan uu ka dhashay walow Guddiga doorashooyinka heer federaal ay sheegeen in la xaliyay.

2: Kursiga labaad ee Hop#105 oo dhowrkii sano ee la soo dhaafay uu ku fadhiyay guddoomiye kuxigeenkii hore ee Baarlamaankii 9aad Jeylaani Nuur Iikar, balse meesha laga saaray, waxaana Maanta ku guuleystay Cabdiraxmaan Cabduqaadir Cadde

Kursiga Saddexaad ee Hop#266 oo ay ku fadhisay Biibi Khaliif Maxamed ayaa waxaa ku guuleystay Guddoomiyihii hore ee degmada Xamarweyne Cumar Shariif Maxamed (Jeeg)

Kursiga Afaraad ee Hop#084 oo ay ay ku fadhisay Fahma Axmed Nuur oo meesha laga saaray ayaa waxaa ku guuleystay Taliye kuxigeenkii Booliska Gobolka Banaadir Maxamuud Cabduqaadir Xaaji (Jeego)

Kursigii ugu dambeeyay ee kuraasta Beelaha Banaadiriga ee Hop#265 oo uu ku fadhiyay lufti Shariif Maxamed Cumar ayaa waxaa ku guuleystay Maxamed Nuur Abuukar.

Maamulada kale ee kajira dalka ayaa la filayaa inay dhankooda dardar geliyaan doorashada Golaha Shacabka, waxaana ugu soo horeeya Maamulka Hir-Shabeelle oo Beri qabanaya doorashada kuraas kamid ah Golaha Shacabka.