AKHRISO:- Maraykanka Oo Ku Soo Rogay Cunaqabatayn Dalka Ruushka

0

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa ku dhawaaqay waxa uu ugu yeeray qeybtii ugu horeysay ee cunaqabateynta ka dhanka ah Ruushka, isagoo sheegay in Moscow ay bilowday duulaanka Ukraine.

“Waxaan hirgelineynaa cunaqabateyn saaran deynta dalka Ruushka. Taasi waxay la macno tahay in aan dawladda Ruushka ka jarnay maalgelinta reer galbeedka, ayuu yiri Biden, isaga oo intaa ku daray in tillaabooyinka sidoo kale lagu beegsan doono hay’adaha maaliyadeed, iyo dadka sare ee Ruushka.

Waxa uu Maraykanku mar sii horreysay sheegay in ciidamada Ruushku u dirayo labada Jamhuuriyadood ee ay Moscow taageerto, ee isku magacaabay bariga Ukraine ay la macno tahay bilawga duulaanka.

Tallaabadan ayaa timid ka dib markii Boqortooyada Ingiriiska ay cunaqabateyn ku soo rogtay bangiyada Ruushka iyo shakhsiyaadka hantida sare leh halka Jarmalka, oo ah mid ka mid ah xulafada reer galbeedka ee Kyiv, uu joojiyay nidaamka ansixinta mashruuca dhuumaha gaaska ee Nord Stream 2.

Xukuumadda Moscow ayaa iska fogeysay hanjabaada ka soo yeereysa dalalka reer galbeedka ee ka imaanayay tillaabooyinka aargoosiga ah, iyadoo wasiirka arrimaha dibadda Sergey Lavrov uu sheegay in Ruushka uu caadeystay cunaqabateynta