AKHRISO:- Howlgal dad lagu qabqabtay oo laga sameeyay Gaalkacyo

0

Ciidamada Booliska Maamulka Galmudug oo ay wehlinayeen kuwa NISA ayaa xalay howlgal qorsheysan waxaa ay ka fuliyeen Xaafado katirsan Koonfurta Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Ciidamada oo watay Gaadiidka dagaalka ayaa bartilmaameedaaday Guryo gaar ah, sidoo kalena baaritaano ku sameeynayay Gaadiidka noocyadiisa kala duwan ee isticmaalayay waddooyinka Koonfurta Magaalada Gaalkacyo.

Saraakiisha Ciidamada Booliska Gaalkacyo ee Galmudug ayaa soo bandhigay Nin Dhalinyaro ah iyo dhowr Dhalo Khamri ah oo uu ka Ganacsanayay, kaas oo ay kusoo qabteen howlgalka ay ka sameeyeen Magaalada Gaalkacyo.

Sidoo kale saraakiisha waxaa ay sheegeen inay ku raad joogaan rag kale oo ay sheegeen inay ka Ganacsadaan waxyaabaha maanka dooriya, kuwaas oo ku dhuumaaleysanaya Xaafado ka tirsan Magaalada Gaallacyo.

Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa bilooyinkii la soo dhaafay waxaa ay wadeen howlgallo ay ku dagaalamayeen waxyaabaha maanka dooriya, iyaga oo dhowr jeer qabtay maandooriye farabadan oo khamri ah iyo dad ka Ganacsanayay.