AKHRISO:- Doorashada kuraas kamid ah Golaha Shacabka oo Maanta dhaceysa

0

Guddiga hirgelinta doorashada heer dowlad Goboleed ee Galmudug ayaa Maanta oo Khamiis ah Magaalada Dhuusamareeb ku qabanaya doorashada Afar kamid ah kuraasta Gollaha Shacabka.

Kuraasta Maanta la dooranaya ayaa xubnihii ku tartami lahaa shalay la diiwaangeliyay, kuwaas oo isugu jira kuwo horay kuraasta ugu fadhiyay iyo kuwo ku cusub, waxaana ay kala yihiin.

1:Kursiga HOP139 oo uu horay ugu fadhiyay Cabdixakiin Macalin Axmed oo u wareegay dhinaca Aqalka Sare, waxaana Maanta ku tartamaya Cabdisamad Macalin Maxamuud oo uu dhalay hoggaamiyaha Ahlusunna & Xamdi Shire Cali.

2: HOP049 oo dhowrkii sano ee la soo dhaafay uu ku fadhiyay Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow, waxaana ku tartamaya isla Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow, Cabdullaahi Cabdi Guutaale, Jamiilo Cali Xeyle iyo Cabdinuur Ciise Xiireey.

3: Kursiga HOP051 oo uu ku fadhiyo Xasan Macalin Maxamuud ayaa waxaa Maanta ku tartamaya Xuseen Maxamed Nuur iyo Maxamed Geedi Cawaale.

4: Kursiga HOP061 oo uu ku fadhiyo Cabduweli Maxamed Qanyare, waxaana ku tartamaya Dayax Axmed Cumar iyo Cabduqaadir Abuukar Cabdi.

Kuraasta Maanta lagu dooranayo Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa kujiray kursiga HOP071 oo uu ku fadhiyo Wasiirka Dekadaha Galmudug Saabir Nuur Shuuriye, balse doorashadiisa la hakiyay kadib muran ka dhacay doorashada kursigaas.

Maamulada kale ee kajira dalka ayaa waxaa la filayaa in maalmaha soo socda ay qabtaan doorashada kuraas kamid ah Golaha Shacabka.