AKHRISO:- Cabdisamad Macalin Maxamuud oo Xildhibaan loo doortay

0

Magaalada Dhuusamareeb waxaa goordhow ka dhacday doorashada Kursiga Hop139 oo uu ku guuleystay Cabdisamad Macalin Maxamuud oo uu dhalay hoggaamiyaha Ahlusunna.

Cabdisamad ayaa Cod gacan taag ah waxaa ugu codeeyay 101 Ergo kadib markii ay tanaasushay Xamdi Cali Shire oo la tartami laheyd.

Kursiga Hop139 ee doorashadiisa Maanta lagu qabfay Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa horay ugu fadhiyay Cabdi Xakiin Macalin Axmed oo u wareegay dhinaca Xilshibaannada Aqalka Sare.

Ilaa Afar kursi ayaa qorshuhu yahay in Maanta lagu doorto Magaalada Dhuusamareeb, kuwaas oo kamid ah kuraasta taalla degaannada Galmudug.