AKHRISO:- Maraykanka Oo U Aqoonsaday Qadar Dal Xulafo Weyn La Ah

0

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in maamulkiisu uu doonayo in uu u aqoonsado dowladda Qatar meeqaamka dal “Xulafo weyn la ah oo ka baxsan NATO “, taasoo u ogolaaneysa in uu xiriir milateri iyo mid ganacsi oo ballaaran uu dhex maro labada dal.

Biden ayaa si cad u sheegay xilli uu Aqalka Cad wadahadalo kula yeeshay Amiirka Qatar Tamim bin Hamad in tallaabadan ay tahay mid muddo dheer la filayay.
Intii lagu guda jiray kulan uu Sheikh Tamim kula yeeshay Aqalka Cad Isniintii, Biden wuxuu Qatar ugu yeeray “saaxiib wanaagsan oo la isku halleyn karo”.

“Waxaan ogaysiinayaa Congress-ka in aan Qatar u magacaabi doono xulafo wayn oo aan NATO ka tirsanayn si ay u muujiso muhiimada xiriirkeena; Waxaan u maleynayaa inay muddo dheer dib u dhacday, ”Biden ayaa ka yiri Xafiiska Oval.

Maqaamku wuxuu Doha siin doonaa mudnaan dhaqaale iyo mudnaan ciidan oo gaar ah xiriirka ay la leedahay Washington.

Qatar waxay noqon doontaa waddankii labaad ee gobolka Khaliijka ka dib Kuwait oo noqda xulafada ugu weyn Mareykanka ee aan NATO ahayn.
Booqashada Sheekh Tamim ee Washington – oo ah tii ugu horreysay tan iyo markii Biden uu xafiiska qabtay Janaayo 2021 – ayaa ku soo beegantay iyada oo xiisad diblomaasiyadeed iyo mid milatari ay ka taagan tahay bariga Yurub, halkaas oo Mareykanku uu ka cabsi qabo in Ruushka uu qorsheynayo duulaan uu ku qaado Ukraine.