AKHRISO:- Somaliland oo dowladda Federaalka uga digtay inay farageliso Arrimaheeda

0

Fadhigii 86aad ee Golaha Wasiirrada Somaliland oo uu Shir-guddoominaayey Madaxweynaha Somaliland M Muuse Bixii Cabdi, kuna wehelinaayey madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) waxa golaha wasiirrada ay fadhigoodii maanta kasoo saareen go’aammo muhiim ah oo ku saabsan qaddiyadda madax-bannaanida Somaliland iyo dooddii ay Baarlamaanka dalka UK ka yeesheen madax-bannaanida Somaliland.

Fadhiga golaha wasiirrada Somaliland oo laga soo saaray go’aamo lagu bogaadinayo dooddii todobaadkaan Baarlamaanka UK ka yeesheen qaddiyadda Somaliland, iyaga oo Xildhibaannada ku bogaadiyay doodaas.

Golaha Wasiirada Somaliland ayaa digniin culus u diray dawladda Soomaaliya oo ay sheegeen inay caadaysatay farogelinta qaddiyadda madax-bannaanida Somaliland.

“Goluhu wuxuu uga digayaa dawladda Muqdisho oo hadda bilowday weerar qaawan oo ay ku qaadayaan xubnihii Baarlamaanka ee hawshaas galay, waxa aanu u sheegaynaa dawladda Muqdisho ee hawshaas ka talinaya in waxaasi sii kordhinayaan nacayb, kala fogaansho iyo colaad dheeraata oo aad ku beeraysaan Soomaalida gudaheeda, Somaliland-na maaha mid ay cidi ku qasbi karto inay noqoto madax-bannaanideeda iyo masiirkeeda, horena way ugu muujisay naf iyo maalba, haddana waa u diyaar” ayaa lagu yiri” Qoraal kasoo baxay Golaha Wasiirada Somaliland.