AKHRISO:- Maxay ka wada hadleen Madaxweynaha Hir-Shabeelle & Safiirka Itoobiya?

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta hoyga uu ka degan yahay Magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Safiirka Dowladda Itoobiya u fadhiya Soomaaliya Danjire Cabdifitaax Cabdullaahi Xasan.

Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa ka wadahadlay Arrimaha Amniga gaar ahaan iskaashiga iyo xooginta howlgalada ka dhanka ah ururka Al-Shabaab, iyo dardargalinta dhameystirka doorashooyinka Dalka.

Madaxweynaha Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe ayaa uga mahad celiyay danjiraha sida dowladda Itoobiya uga qeyb qaadaneyso howlgallada dalka looga saarayo Ururka Al-Shabaab.