AKHRISO:- Dagaal culus oo saaka ka dhacay degaan ka tirsan Shabeellaha Dhexe

0

Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa saaka waxaa ay weerar ku qaadeen Saldhig Ciidamo katirsan Millateriga Soomaaliya ku leeyihiin tuulada Qalimow oo hoostagta degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe kuna yaalla inta u dhaxeeysa degmada Balcad & Magaalada Jowhar.

Dadka Tuulada ayaa ku waramay in dagaal culus oo socday in ka badan Saacad uu ka dhacay Tuulada Qalimow, waxaana dagaalka ku dhintay Saddex Askari oo ka tirsan Ciidanka dowladda halka Afar kale ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo loo soo qaaday Magaalada Muqdisho.

Al-Shabaab oo ka hadlay dagaalkaas ayaa Warbaahintooda tebisay in weerarka ay ku qaadeen Tuulada Qalimow ay kula wareegeen, isla markaana ay ku qabsadeen saanado melleteri, in kastoo aysan jirin warar madax bannaan oo xaqiijinaya sheegashada Al-Shabaab.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan qeybta 27aad ayaa dhankooda waxaa ay sheegeen inay fashiliyeen weerarkii kaga yimid Al-Shabaab, isla markaana khasaaro ay gaarsiiyeen.