AKHRISO:- Ciidamada Nabadsugida & Booliska Somalia oo howlgal sameeyay

0

Ciidamada Nabadsugida iyo Booliska Soomaaliya ayaa howlgallo Amniga lagu xaqiijinayay waxaa saacadihii la soo dhaafay ay ka sameeyeen degaano hoostaga degmooyinka luuq iyo Doolow ee Gobolka Gedo.

Ciidamada oo watay hubka iyo gaadiidka noocyadiisa kala duwan ayaa howlgalka xoogiisa ka sameeyay deegaanka Shaataloow iyo deegaanada kale u dhow, waxaana Ciidamada ay baaritaan ku sameeynayeen Guryaha qaar iyo Gaadiidkii ay ka shakiyaan.

Saraakiisha howlgalka horkaceysa ayaa waxaa ay sheegeen in ujeedkoodu uu yahay sidii loo xaqiinin lahaa Amniga wadsoohinka u dhaxeeya Magaalada luuq iyo Doolow ee Gobolka Gedo, halkaas oo mararka qaar ay weeraro ka fuliyaan Al-Shabaab.

Degaannada iyo degmooyinka Gobolka Gedo dowladda Soomaaliya ayaa horay u geeysay Ciidamo farabadan, kuwaas oo mararka qaar dagaal adag la gala Ururka Al-Shabaab.