AKHRISO:- Soomaaliya & Itoobiya oo ka wada hadlay la dagaalanka Al-Shabaab

0

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa kulan miro dhal ah la yeeshey wafdi uu hoggaaminaayo u-qeybsanaha Ciidamada Safaaradda Itoobiya ee Soomaaliya Gen. Tadesse Amelo Sieso.

Kulanka ayaa waxa ay uga wada hadleen xaaladda guud ee labada dal, howlgallada AMISOM oo ay Itoobiya qeyb katahay, Qorshaha Kala-guurka Qaranka iyo mustaqbalka amniga Gobolka Geeska Afrika.

Wasiir Cabduqaadir ayaa uga mahadceliyey dowladda Itoobiya dadaalada ay ku bixinayaan la dagaalanka Ururka Al-Shabaab iyo nabadeynta guud ee dalka Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa waxaa meelo kamid ah ku sugan Ciidamo farabadan oo Itoobiyaan ah, kuwaas oo ku howlgalla Magaca AMISOM ,isla markaana Ciidamada dowladda ka taageeraa dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab.