AKHRISO:- Puntland oo faahfaahisay howlgal dad lagu soo qabtay oo Boosaaso ka dhacay

0

Ciidanka booliska maamulka Puntland ayaa faahfaahin ka bixiyay howlgal lagu soo qabtay kooxo tahriibin jiray dhalinyarada.

Taliska Qeybta Booliiska Gobolka Bari ayaa ku guuleystay qabashada shabakad isku xiran oo ka shaqeysa tahriibka dadka u kala soconaya dalalka Soomaaliya iyo Yemen Sudan Libya.

Kooxdan la qabtay ayaa waxaa sidoo kale ciidamadu ay gacanta ku dhigeen gadiidkii ay ku howlgelin jireen iyo dadkii ka shaqeynayay tahriibinta dadka.

Taliyaha qeybta Booliiska Gobolka Bari G/sare C/qaadir Jaamac Dirir ayaa sheegay in ciidamada amaanka ay xooga saarayaan falkasta oo lidi ku ah nidaamka sida kan tahriibinta dadka, mukhaadaraadka iwm.

Waxaana taliyaha uu u mahadceliyay ciidamadda amaanka iyo shacabka iska kaashaday ogaanshaha kooxdan tahriibka ka shaqeysa & qabashadooda.