AKHRISO:- Shir lagu heshiisiinayo beelo dagaalamay oo ka furmay degaanka Saax-maygaag

0

Madaxweyne kuxigeenka dowlad Goboleedka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo ay wehlinayaan mas’uuliyiin kala duwan ayaa Shirweyne lagu heshiisiinayo beelo dagaalamay ka furay degaanka Saax-maygaag, halkaas oo dhawaan ay ku dagaalameen laba maleeshiyo Beeleed.

Shirka ayaa waxaa goobjoog ka ah, Odayaasha Dhaqanka labada Beelood, Duqa degmada Garoowe, Saraakiil Ciidan & mas’uuliyiin ka tirsan Puntland, wuxuuna ujeeedka uu yahay sidii xal looga gaari lahaa dagaalada soo laab laabtay ee degaannada Saax-maygaag iyo Sanga jebiye.

Madaxweyne kuxigeenka dowlad Goboleedka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo Shirweynaha furay ayaa ka dalbaday labada dhinac inay Nabadda qaataan maadaama la arkay in dagaal waxba soo kordhineyn.

Odayaasha Dhaqanka labada Beelood ayaa dhankooda waxaa ay shirka ka sheegeen inay diyaar u yihiin dib u heehisiin iyo in la kala qaado maleeshiyaadka dagaalamay ee dhulka isku heysta.

Shirweynaha dib u heshiisiinta ee Maanta ka furmay degaanka Saax-maygaag ayaa la filayaa in geba-gabada laga soo saaro qodobada ay ku heshiiyeen labada Beelood, waxaana amniga degaanka lagu wareejinayaa Ciidamada Ammaa ka Puntland.