AKHRISO:- Puntland oo qeylo dhaan kasoo saartay Abaar kajirta Gobolka Mudug

0

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Maamulka Puntland Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa Shir Guddoomiyey Shirka Gudiga Abaaraha Gobolka Gobolka, kaas oo looga hadlayay waxka qabashada abaarta daran ee kajirta degaano kuyaalla Gobolkaas.

Guddoomiyaha oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in guud ahaan dalka gaar ahaan degaannada Gobolka Mudug ay kajirto abaar baahsan oo isugu jirta Cunto iyo Biyo yari taas oo keentay in muddo Gobolkaas uusan ka da’in wax roob ah.

Waxaa uu ugu baaqay Madaxda Puntland, Ganacsatada, Qurba Joogta iyo Hay’adaha in laga qayb qaato gurmaska Abaarta Ba’an ee ka jirta degaannada Gobolka Mudug.

Degaano iyo degmooyin ka tirsan Koonfurta iyo Bartamaha dalka Soomaaliya ayaa waxaa xilligaan kajira Abaar daran, iyada oo dowladda Soomaaliya iyo dowlad Goboleedyada ay doorashada laga mashquuleen u gurmashada dadka ay abaartu saameeysay.