AKHRISO:- Dagaal dhexmaray Ciidamada Jubbaland & Al-Shabaab

0

Dagaalka oo geystay khasaaro kala duwan ayaa Ciidamo katirsan kuwa dowlad Goboleedka Jubbaland iyo Xubno kamid ah Al-Shabaab wqxaa uu ku dhexmaray degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose ee Maamulka Jubbaland.

Dagaalka ayaa waxaa uu yimid kadib markii sida la sheegay Xubno ka tirsan A-Shabaab ay weerareen Salshiga Ciidamada jubbaland ku leeyihiin degmada Afmadow, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal in ka badan saacad socday.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay ku warrameen in ay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac, isla markaana uu jiro khasaaro ka dhashay, hayeeshee ay sheegeen in sirasmi ah u xaqiijin karin dadka ku waxyeeloobay dagaalkaas.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Daraawiishta Jubbaland ayaa dhankooda waxaa ay sheegeen in ay iska difaaceen weerarkii kaga yimid Al-Sbabaab, isla markaana dagaalkii ay la galeen ay khasaaro ku gaarsiiyeen.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degmada Afmadow ayaa waxaa ay sheegayaan in xaaladda ay tahay mid degan, isla markaana isku socodka dadka, Gaadiidka iyo Ganacsiga ay si caadi ah u Shaqeeynayaan.