AKHRISO:- Duqa Muqdisho & Guddoomiye Cirro oo ka wada hadlay Arrimaha doorashooyinka

0

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta xafiiskiisa Xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka heer Federaal Maxamed Xasan Cirro.

Kulankaan ayaa looga hadlay sidii loo dar-dar gelin lahaa Guud ahaan Doorashooyinka Golaha Shacabka ee dalka ka socda gaar ahaan kuwa lagu qabanayo Magaalada Muqsisho.

Guddoomiye Cumar Filish ayaa u balan qaaday Guddiga Doorasho in ay kala shaqeyn doonaan wixii fududeyn ah ee ku aadan kuraasta doorashadooda ay ka dhaceyso Gobolka Banaadir.

Dalka hadda waxaa uu kuniraa waqti doorasho, waxaana doorashooyin dhowr ah ee la qabtay ka yimid cabashooyin kala duwan, kuwaas la sugayo in xal laga gaaro.