AKHRISO:- Al-Shabaab oo sheegtay inay la wareegeen degaan u dhow Kismaayo

0

Al-Shabaab ayaa sheegtay inay si buuxda ula wareegeen deegaanka Yaaq-Raar oo u dhow Garoonka Diyaaradaha Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.

Warar lagu daabacay Baraha Internet-ka ee taageera Al-Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in wax dagaal ah uusan ka dhicin degaanka balse ay isaga baxeen Ciidamada Maamulka Jubbaland oo gacanta ku haayay.

Saraakiisha Cidamada Maamulka Jubbaland ayaan weli ka hadlin Warka kasoo baxay Al-Shabaab ee lagu sheegay inay la wareegeen degaan Yaaq-Raar oo u dhow Magaalada Kismaayo.

Inta badan degmooyinka iyo degaannada Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa mararka qaar ku dagaalama Ciidamada Jubbaland & kuwa Kenya oo dhinac ah iyo Ururka Al-Shabaab.