AKHRISO:- Ku dhawaad 100 qoys oo kasoo cararay dagaallada Yemen oo Boosaaso soo gaaray

0

Mas’uuliyiinta Puntland ayaa magaalada Boosaaso ku soo dhoweeyay 98 Qoys oo ka kooban Soomaali iyo Yemeniyiin ka soo cararay colaadda ka aloosan waddanka Yemen.

Mas’uuliyiinta Wasaaradda Arrimaha gudaha oo ay weheliyaan Maamulka Gobolka Bari iyo kan degmada Boosaaso ayaa dekedda ku qaabilay dadkaas.

Qoysaska oo u badan haween iyo carruur ayaa loo gudbiyay xarunta qaabilaadda Qaxootiga ee magaalada Boosaaso.

Dadka ka soo cararaya colaadda Yemen ayaa muddooyinkii u dambeeyay ku qul-qulaya Puntland gaar ahaanna Boosaaso.