AKHRISO:- Madaxweynaha Galmudug oo Wakiilada Beesha Caalamka kala hadlay doorashooyinka

0

Madaxweynaha Dowlad Goboledka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa aaladda fogaan aragga kulan kula yeeshay Danjirayaasha Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay, Mareykanka, Ingiriiska iyo Midowga Yurub.

Madaxweynaha iyo danjirayaasha ayaa ka wada hadlay arrimaha amniga Galmudug iyo Doorashada Soomaaliya ee haatan socota.

Ugu danbeyntii, Madaxweynaha ayaa ka mahadceliyay taageerada beesha caalamka ee doorashooyinka dalka.

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa hoggaamiyeyaasha Soomaalida ku cadaadinaya in aysan markale dib u dhicin doorashada Soomaaliya, isla markaana loo qabto si xor iyo xalaal ah.