AKHRISO:- Hir-Shabeelle oo dowladda Qatar kala hadashay dhismaha wadada Muqdisho & Jowhar

0

Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Cabdi Xakiin Xaaji luqmaan oo kubsugan Magaalada Muqdisho ayaa Maanta kulan la qaatay Safiirka Dowladda aan Walaalaha nahay ee Qatar u fadhiya Soomaaliya Danjire Hassan Xamze Mohamed.

labada mas’uul ayaa kanwada hadlay arrimaha Gargaarka, Horumarka iyo Dhismaha wadada isku xirta Jowhar iyo Muqdisho oo muhiim ah Shacabka Soomaaliyeed ee u kala goosha Shabeellaha Dhexe iyo Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hir-Shabeelle Cabdi Xakiin Xaaj luqmaan ayaa Danjiraha ugu Mahadceliyay doorka muuqda ee taageerida Dowladda Qatar siiso Dowladda Soomaaliya iyo arrimo kale.

Danjiraha Dowladda aan Walaalaha nahay ee Qatar u fadhiya Soomaaliya Danjire Hassan Xamze Mohamed ayaa dhankiisa sheegay inay dardar gelin doonaan howlaha mashaariicda ah oo ay ka fuliyaan Soomaaliya gaar ahaan Maamulka Hir-Shabeelle.