AKHRISO:- Saraakiil ka tirsan Ciidanka DFS oo loo tababarayo Arrimaha gargaarka bani’aadanimo

0

Tababar socon doona muddo shan maalmood ah oo ay qaadanayaan tababarayaal ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo saraakiil ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa ka socda magaalada Muqdisho, si kor loogu qaado aqoonta ay u leeyihiin Shuruucda Caalamiga ah ee Gargaarka Bani’aadannimada (IHL) iyo Sharciga Xuquuqul Insaanka Caalamiga ah (IHRL).

Tababarkan ayaa waxaa furay Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Danjire Francisco Madeira iyo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cali Xagaa, waxaana sidoo kale goob joog ka ah Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga Xasan Siciid Samatar.

Tababarkan oo ay soo qaban qaabiyeen Ururka Ilaalinta, Xuquuqul Insaanka iyo Jinsiga ee Ciidanka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), ayaa waxaa ka qeyb galaya 18 ka mid ah tababarayaasha iyo Taliyeyaasha Ciidamada XDS oo waajibaadkooda ay ka mid yihiin qorsheynta iyo fulinta howlgallada wadajirka ah ee AMISOM, iyo saddex sarkaal oo rayid ah oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka. Wasaaradda Gaashaandhigga.

Mawduucyada laga hadlayo waxaa ka mid ah xeerar ku saabsan ilaalinta dhibanayaasha iskahorimaadyada hubeysan, xeerarka hab-dhaqanka colaadaha, caqiidada mas’uuliyadda taliska ee, sharciga xuquuqda aadanaha ee lagu dabaqi karo iskahorimaadyada hubeysan, xiriirka ka dhexeeya, dembiyada dagaalka ee aan caalamiga ahayn. colaadaha hubaysan, xiriika ka dhexeeya Xeer-dhaqameedka Soomaaliyeed iyo horumarinta Siyaasadda Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay.