AKHRISO:- Kulan looga hadlaayay Amni darada Caasimadda oo Muqdisho ka dhacay

0

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/gaas ayaa shir la qaatay saraakiisha Boliiska qeybahooda waxaana shirkaas looga hadlay dardar galinta howlaha amniga gobolka Banaadir.

Taliye Xijaar ayaa sheegay in ay tahay wax la aqbali Karin falalka Amni daro ee maalmihii lasoo dhaafay kusookordhay Caasimadda.

Waxaa tilmaamay in la bilaabi doono howlgallo looga hortagaayo kooxaha burcadka ah ee dadka dhaca.

Taliyaha ayaa ku bogaadiyay hogaanada ciidanka dardar galinta howlaha amniga gobolka iyo guud ahaan dalka isagoo faray in lalaba jibaaro dadaalka xaqiijinta amniga xilli ay foodda nagu soo hayso munaasabadda dabbaal degga Aas-aaska ciidanka Booliska oo ku beegan 20 bishaan.