AKHRISO:- Khilaaf ka dhex taagan Mas’uuliyiinta Wasaaradda Gargaarka

0

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo Maaraynta Musiibooyinka Soomaaliya Cabdirashiid Maxamuud Xasan ayaa si rasmiya u xaqiijiyay in ay jirto Cabashada 16 shaqaale ah ka gudbiyeen Wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye.

War Saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo Maraynta Musiibooyinka ayaa lagu sheegay in 16-kii shaqaale ah Wasaaradda looga eryay sifo sharci-darro ah.

Waxaa uu Wasiirka sheegay in shaqaallahaasi ay sii wataan shaqadooda inta ay Caddaalad ka helayaan, islamarkaana dacwad ay ka gudbiyeen wasiirka.