AKHRISO:- Maxkamadda Ciidamada oo xukun ku riday Askari dil geystay

0

Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta waxaa oo xukun kuriday Dable NISA Maxamed Cali Xuseen, kaas oo horaantii Bishii November ee sanadkaan degmada Beled-Xaawo ku dilay Axmed Sharmaake Cabdullaahi & Sakariye Axmed Gaarane oo Shacab ahaa.

Askarigaan ayaa Maxkamadeyntiisa waxaa ay soo martay heer kala duwan, waxaana markii dilayay labada dhalinyarada ah ay Kubbad ku ciyaarayeeen Garoon kuyaalla degmada Beled-Xaawo ee Gobolka Gedo.

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida qeybta 27aad Gaashaanle Maxamed Amiin Cabdulle Aadan oo xukunka ku dhawaaqay ayaa sheegay in dood dheer kadib dable NISA Maxamed Cali Xuseen lagu riday xukun dil toogasho oo ah qisaasta labada marxuum.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa marar badan waxaa ay sibareer ah u dileen dad Shacab ah, waxaana dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee ka dhacay Muqdisho askar ka tirsan Ciidamada dowladda ay ku dileen Wiil iho Gabar Walaalo ahaa iyo Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed.