AKHRISO:- laamaha Amniga oo howlgal dad lagu qabqabtay ka sameeyay Muqdisho

0

Taliska Ciidamada Booliiska iyo Nabadsugidda Degmadda Hawl wadaag ee Gobolkan Banaadir oo wehlinayeen Ciidamada jagboontiyada guur guura ee Booliska ayaa hawlgal lagu xaqiijinayo Amniga degmadda ka sameeyay xaafadaha ay ka kooban tahay Degmadaas.

Howlgalka oo uu horkacayay taliyaha Ciidamada Booliska degmada Howlwadaag ayaa Cidamada waxaa ay ku baarayeen guryaha kuyaalla inta badan Xaafadaha degmada Howl-wadaag, iyada oo howlgalka lagu qabtay Boqolaal Dhalinyaro ah.

Saraakiisha horkaceysay howlgalka ayaa waxaa ay sheegeen in ujeedkooda uu ahaa sidii loo xaqiijin lahaa amniga degmada kadib markii maalmihii la soo dhaafay xaafado ka tirsan Muqdisho ay kusoo bateen rag burcad ah oo dadka shacabka ah dhac u geysanaya.

Taliyaha Saldhiga Booliska degmada Howlwadaag Najiib Carab oo goob fagaaro ah kula hadlayay dhalinyaro howlgalka lagu soo qabqabtay ayaa ugu baaqay inay Ciidamada kala Shaqeeyaan augida Amniga.