AKHRISO:- Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Guddaha Galmudug oo Booqday Xafiiska Maamulka Gobolka Mudug

0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Guddaha iyo dib uheshiisiinta Galmudug Ahmed Mahamed Xasan ayaa maanta Booqday Xafiiska Maamulka Gobolka Mudug.

Wasiir Dowlaha waxaa halkaas ku soo dhaweeyey Guddoomiyaha Gobolka Mudug Cabdiraxmaan Cali Diiriye Isxal oo uu wehlinayo ku xigeenkiisa Axmed Maxamed Shire Qoodar.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Guddaha ayaa kulan la qaatay Maamulka Gobolka Mudug kulanka ayaaa diiradda lagu saaray xoojinta wada shaqeynta Maamulka Gobolka iyo Wasaaradda Arrimaha Guddaha Galmudug.