AKHRISO:- Khasaaraha ka dhashay dagaalkii ka dhacay Baydhabo oo kordhay

0

Khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah ayaa ka dhashay dagaal Magaalada Baydhabo ku dhexmaray Ciidamada dowladda Soomaaliya & kuwa Koonfur Galbeed oo dbinac ah iyo Ururka Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii Xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerareen Saldhigyo Ciidamada ka tirsan Koonfur Galbeed ku leeyihiin Magaalada Baydhabo, waxaana ka dhacay dagaal xoogan oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in dagaalada ay sigaar ah uga dhacay Saldhigyada Ciidamada Koonfur Galbeed ku leeyihiin Suuaa Xoolaha iyo Xaafada Bukriyey, waxana dagaalka ku geeriyooday bal Askari halka mid kale uu ku dhaawacmay, waxaana warar kale ay sheegayaan in dad rayid ah oo dhaawac ah la geeyay Isbitaalka Magaalada Baydhabo.

laamaha Amniga Magaalada Baydhabo ayaan weli ka hadlin weerarka Al-Shabaab ku waadeen Saldhigyada Ciidamada Koonfur Galbeed, iyada oo dhowr jeer Al-Shabaab sidaan oo kale ay u weerareen saldhigyo kuyaal Magaalada Baydhabo.

Dagaalka ka dhacay Magaalada Baydhabo ayaa kusoo aadaya xilli Magaalada Baydhabo ay ka socoto doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka