AKHRISO:- Booliska Uganda oo xiray Soomaali lagu qabtay waxyaabaha qarxa

0

Booliska magaalada Kampala ee dalka Ugands ayaa gacanta ku dhigay muwaadin Soomaaliyeed oo gaarigiisa laga helay walxaha qarxa xili uu doonayay inuu galo Hotel Speke Resort ee degaanka Munyonyo.

Sida uu sheegay afhayeen u hadlay booliska Fred Enanga, qaraxa ayaa waxaa soo saaray ilaalada iridka hotelka ee Munyonyo, xilli ay baaritaanno dhanka ammaanka ah ku sameeyeen gaariga, xilli uu doonayay in uu gudaha u galo dhismaha.

“Qalabka waxa ay ciidamadu ogaadeen in ay baaritaan dheer ku sameeyeen gaariga, Toyota Wish oo uu watay Abdul Karim Mayowu, oo ah 25 jir Soomaali ah, deganna Lungujja ee qaybta Lubaga,” ayuu yiri Enanga.

Afhayeen u hadlay booliiska ayaa sheegay in su’aalo la weeydiiyay, muwaadinka Soomaaliga ah uu sheegay in uu ahaa kireyste oo uu shaqaaleysiiyay Muxammad Xasan, oo 28 jir ah, oo ah muwaadin kale oo Soomaali ah, si uu uga soo kaxeeyo hoteelka hooyadiis iyo walaalihiis.

“Sidaas ayuu ku kaxeeyay aaladdan laga shakiyay. Waxa aanu hadda xirnay labadaas iyo sidoo kale dad kale oo aad isugu dhowaa qoyska oo ay ka mid yihiin Asiili Yaasiin oo 40 jir ah iyo Maxbal Masal oo 20 jir ah. Qalabka lagu helay ayaa ah mid ka shaqeyn kara ama qarxin kara walxaha qarxa. Hadda waxaa waajib naga saaran yahay inaan gadaal u raacno waxa ugu muhiimsan ee looga shakisan yahay walxaha qarxa,” ayuu yiri Enanga.

Dhacdadan ayaa ku soo aadaysa iyadoo todobaadkii hore ay magaalada Kampala ka dhaceen qaraxyo mataano ah oo ay ku dhinteen 7 qof halka kuwa kalena ay ku dhaawacmeen.

Ammaanka dalka Uganda ayaa la adkeeyay tan iyo markii ay kordheen weerarada ismiidaaminta ah, waxaana howlgallo ay sameeyeen Ciidamada Booliska lagu qabtay Guud ahaan 106 qof.