AKHRISO:- Xaalado Caafimaad daro oo ka taagan Puntland

0

Waxaa lagu soo warramayaa in reer guuraa badan oo ku nool deegaanada Puntland ay isugu tageen degaano ka tirsan maamulkaasi oo dhawaan ay roobab ka da’een.

Dadkan xoola dhaqatada ah ayaa ka soo kala hayaamay goobo fog fog, iyadoo lagu soo warramayo in deegaanadaasi ay ka jiraan xanuunno sida jadeecada iyo shuban biyoodka oo halkaa ka dilaacay.

Wasaaradda caafimaadka ee Puntalnd ayaa kooxo caafimaad u dirtay deegaanada hoos yimaada Dhahar, Badhan iyo Qardho kuwaas oo xoolo dhaqatadu ay u hayaameen.

Wasaaradda caafimaadka Puntland ayaa BBC-da u sheegtay in deegaannadaas ay sidoo kale ka jiraan xaalado nafaqo darro iyo macaluul isugu jira.

Kooxdaha ay wasaaraddu u dirtay deegaannadaas ayay sheegtay in muddo bil ah ay halkaas ku maqnaan doonaan ayaa ku wareegi doona deegannadaas si ay ula tacaalaan baahiyaha halkaas ka jira.

Puntland ayaa sidoo kale sheegtay in dad reer miyi ah oo ay soo riteen cudurrada shubanka iyo jadeecadu la geeyey kobo caafimaad oo ku yaal deegaanno hoostaga gobolka Bari.