AKHRISO:- Gen. Cabdullaahi Buulle Kamey Oo Sheegay In Lagu Waayay NISA Dilka Ikraan Tahliil

0

Xeer ilaaliyaha guud ee Maxkamadda Ciidamada qalabka sida Gen Cabdullaahi Buule Kameey ayaa sheegay in hogaanka NISA lagu waayay wax caddayn ah oo muujinaya ku lug lahaanshaha Kiiska Ikraam Tahliil.

Gen Kameey ayaa sheegay in hay’adda NISA ay si hufan ula shaqeeyeen inta ay wadeen baarista Kiiska Ikraan Tahliil.