AKHRISO:- Booliska Somaliland oo gacanta ku dhigay Khamri farabadan

0

Ciidanka Boolilka gobolka gabiley ee Soomaaliland ayaa soo bandhigay Maandooriyaha Khamriga oo laga soo qabtay degmada Allay-Baday ee gobolkaasi Gabiley.

Howlgal ay Ciidanku ka sameeyeen Xaafado ka tirsan degmada Allay-Baday ayay kusoo qabteen dhowr Kartoon oo khamri ah iyo dad ka Ganacsanayay, sida ay sheegeen Saraakiisha Ciidamada Booliska.

Taliyaha Ciidamada Booliska Gobolka Gibiley ayaa sheegay in howlgalkaan uu qeyb ka yahay midka ay ku dagaalanayaan maandooriyaha khamriga & dadka ka Ganacsanaya, isla markaana dhawaan goob fagaaro ah ku bur burin doonaan.