Xukuumadda Somalia oo ku dhawaaqday in la xoojinayo Amniga Muqdisho xilliga doorashada

0

Wasiirka Wasaaradda Amniga Xukuumadda xilgaarsiinta Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa Maanta waxaa uu ka hadlay xaaladda amni ee xilligaan qorshaha uga degsan wasaaradda Amniga iyo tallaabooyinka dhanka amniga ah ay u qaadeen.

Waxaa uu Wasiirka qiray inay weli jiraan caqabado dhanka amniga balse wax laga qaban doono ayna socdan qorshooyin lagu tayeynayo Ciidammada booliska ee ka howlgalla muqdisho si ay u xoojiyan amniga caasimadda maadaama lagu guda jiro xilli dooraho

Wasiirka oo ka qeyb galayay Barnaamij ka baxayay Warbahinta dowladda wuxuu sheegay in malmihii la soo dhaafay amniga Caasimadda siweyn loo adkeeyay, isla markaana Ciidamada ay gacanta ku dhigeen Kooxo burcad ah oo dhac u geysanayay dadka Shacabka ah.

Wasiirka oo ka hadlayay hubka sharci darrada ah ee lagu qaato Magaalada muqdisho ayaa waxaa uu faray laamaha maniga inay ka hortagaan cid kasta oo hubka sharci darro ah ku dhex qaadata Magaalada Muqdisho.

“ Waxaan rabaa inaan Shacabka Soomaliyeed u xaqiijiyo in uu jiro qorsho amni oo aan u dejinay dalka gaar ahaan Muqdisho, mana aqbaleyno in hub sharci darro ah lagu qaato Magaalada Muqdisho, laamaha amnigana waa ainay tallaabo ka qaadaan ayuu yiri” Wasiir Cabdullaahi Maxamed Nuur.