Hooyo & Carruurteeda oo ku geeriyooday dab ka kacay Gurigooda

0

Inta la xaqiijiyay Hooyo iyo Gabadheeda & Gabar kale ayaa ku geeriyooday dab ka kacay Gurigooda oo ku yaalla degaanka Goobweyn oo kamid ah degaannada hoostaga Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.

Guddoomiyaha Goobwayn ayaa sheegay in dabka uu ka billaawday Shidaal yaallay Guriga dabka uu ka kacay oo uu degan yahay Nin Ganacsade ah.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in Hooyada ku dhimatay dabka ay ku howlaneed sidii ay u badbaadin laheyd Gabar ay dhashay balse ay u suurgo geli weysay, isla markaana ay sidoo kale Goobta ku dhimatay Gabar ui abti u yahay Seeygeeda.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Goobwayn ayaa sheegay in ay ku guuleysteen inay damiyaan dabka s i uusan ugu fidin Guryaha kale ee ku dhow Guriga uu dabka ka kacay.