AKHRISO:- DFS oo codsatay in lagu soo wareejiyo Soomaali ka barbar dagaalantay Kooxda Daacish

0

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa wada dadaal ay ku doonayso in lagu sii daayo Soomaali ku xiran dalka Suuriya oo tirsanaa ururka Daacish kana barbar dagaalamay, iyaga iyo Carruurtooda

Sii hayaha safaaradda Soomaaliya ee dalka Suuriya Farxaan Gurxan, ayaa sheegay in uu la kulmay saraakiil ka tirsan Jabhadda Kurdiyiinta ee maamusha qaar kamid ah Gobolada dalka Suuriye, isla markaana ay u balan qaadeen in Maanta ay geyn doonaan xerooyin ay kujiraan Hooyooyinka Carruur ay dhaleen ragga Soomaalida ah ee ka barbar dagaalamay Kooxda Daacish.

Farxaan Gurxan oo la hadlay BBC-DA wuxuu sidoo kale sheegay in uu ka dalbaday in lala kulan siiyo ragga xiran balse uu ka cudur daarteen Saraakiishii uu la kulmay, hayeeshee kaliya ay u ogolaadeen in laba kamid ah uu la kulmo si uu warbixin uga qaato.

Sidoo kale wuxuu sheegay in Sarkaalka ka tirsan Kooxda Kuridiyiinta uu u sheegay in dadka dambiyada ka geystay dalka Suuriye ay halkaasi ku maxkamadeyn doonaan, balse hadii uu codsi rasmi ah uga yimaado dowladda Soomaaliya kaas oo ah in raggaasi dalkooda Soomaaliya lagu maxkamadeeynaayo ay ka fiirsan doonaan.

Qaar kamid ah wadamada Calaamka ayaa waxaa kuxiran Soomaali farabadan, kuwaas oo loo heysto inay ka tirsanaayeen Kooxda Daacish ama Kooxaha Burcad badeeda Soomaalida.