AKHRISO:- Wadahadalladii laga dhex waday Ahlusunna iyo Qoorqoor oo fashilmay

0

Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa deegaanka Bohol oo ay ku sugan yihiin ciidamada Ahlusunna ayaa sheegay in dadaalladii ay wadeen ee ku aadana in lasoo afjaro colaada in uu fashil kusoo dhamaaday.

Generaal Abshir Aadan labo Afle ayaa sheegay in dhammaan qodobadii ay wadeen in ay diideen Ahlusunna ay sheegeen in marnaba aysan aqbali doonin wax wadahal ah oo ay la galaan maamulka Qoorqoor, maadaama dhawaan lagu qaaday dagaal Culus.

Waxaa uu xusay in hadda wixii ka dambeeya ay ka dhex baxeen , islamarkaana ay u taallo Ahlusunna iyo maamulka Galmudug sida laga yeelaayo xaaladda Ammaan ee deegaanka.

“Dadaal dheer ayaan sameynay saraakiil ahaan, waxaan Bohol joognay 12-maalmood si aan raga halkaas jooga uga baajino in dhiig dambe daato balse way naga diideen wax kasta oo aan xal ahaan u wadney iyagoo ku adkeystay aragti aan soconeynin oo uu horey u sheegay hoggaamiyohooda, waana kasoo laabaney.”

Taliye Laba-Afle ayaa uga mahad celiyay Madaxwayne QoorQoor sida uu fursadan u siiyay, isagoo sheegay in go’aanka nimankaasi laga qaadanayo yahay mid u yaala dowlada iyo cidii amniga shuqul ku leh.