Xukuumadda oo digniin kasoo saartay Arrimo ka socda Hoteelada Xeebta liido

0

Wasiirka Wasaaradda Diinta & Awqaafta Xukuumadda xilgaarsiints Cumar Cali Rooble ayaa sheegay in Hoteelada kuyaal Xeebta liido ee degmada Cabdul Casiis ay ka socdaan waxyaabo aan dhaqan ahaan wanaagsaney oo aan indhaha laga qarsan karin.

Wasiirka oo Warbaahinta kula hadlay Muqdisho waxaa uu sheegay in sanadba sanadka ka dambeeya dalka ay kusoo badanayeen waxyaabaha xumaanta ah, sida kaniiniga iyo waxkasta oo maanka dooriya.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in Shilalka Mooto ee ka dhaca dalka gaar ahaan Muqdisho ay sabab u tahay dhalinyarada wada qaarkood oo isticmaala dawooyinka maandooriyaha, sida cirbadaha la isku duraayo, kaniinig, khamriga iyo waxyaabo kale.

Waxaa uu sicad u sheegay in marnaba aanan indhaha laga qarsan karin loona dulqaadan karin waxa ka socda Hoteelada kuyaal Xeebta liido, isla markaana tillaabo deg deg ah ay ka qaadi doonaan.

Ugu dambeyn Wasiir Cumar ayaa sheegay in sidoo kale waxyaabaha xumaanta ah ee ka socda Aalada Tiktok aan loo dul qaadan karin ayna yihiin kuwa ka baxsan Anshaxii iyo Akhlaaqdii ummadda Soomaaliyeed oo sii dhimaneysa.

Warkaan kasoo baxay Wasiirka Diinta & Awqaafta Xukuumadda Soomaaliya ayaa daba socda warkii shalay kasoo yeeray Booliska Somalia ee ahaa in dalka ay kusoo kordheen dhalinyarada isticmaalaya maandooriyaha & kuwa waxyaabaha anshax darrada ah kusoo bandhigaya Aalada tiktok, isla markaana Booliska ay wax ka qaban doonaan.