Dowladda Somalia oo ka qeyb galeysa Shir looga hadlayo Shidaalka Afrika

0

Magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabka waxaa maanta ka furmay shirka Africa Oil Week 2021, kaas oo sanadkaan ay marti gelisay dowladda Imaaraadka.

Mas’uuliyiin ka socota dowladda federaalka Soomaaliya ayaa gaaray Dubai si ay uga qeyb galaan shirkaas.

Wafdi uu hoggaaminayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda Soomaaliua Maxamed Xaashi Carabey iyo guddoomiye ku xigeenka hay’adda Batroolka Soomaaliyeed ayaa shirkaas ugu qeyb-galaya dowladda federaalka Soomaaliya.

Shirkaan ‘Africa Oil Week’ oo looga hadlo arrimaha shidaalka ee dalalka qaaradda Afrika ayaa sanadkaan waxaa marti gelisay dowladda Isutaga Imaaraadka Carabta.