AKHRISO:- Howlgal dad lagu qabqabtay oo laga sameeyay Jowhar

0

Ciidanka Booliska Dowlad Goboleedka Hirshabelle ayaa howlgallo amniga lagu xaqiijinayay, isla markaana lagu soo qabtay dad farabadan waxaa ay ka sameeyeen Magaalada Jowhar ee Caasimadda Hir-Shabeelle.

Howlgalka ayaa waxaa sigaar ah looga sameeyay Xaafada Hani-wadaag laamaheeda koowaad & labaad ee Magaalada Jowhar, waxaana lagu baarayay Shacabka wadooyinka socda, Guryaha iyo qaar kamid ah Gaadiidka noocyadooda kala duwan.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Hir-Shabeelle Diini Rooble ayaa sheegay in howlgalka lagu qabtay dad gaaraya ilaa 30 Ruux oo looga shakiyay inay la Shaqeeyaan Al-Shabaab, balse baaris dheer kadib la siidaayay qaar kamid ah halka 12 ruux oo dadkaasi kamid ah ay xiran yihiin kadib markii damaanad loo waayay.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in howlgallada oo ujeedkooda uu yahay xaqiijinta amniga ay sii socon doonaan, lagana sameyn doono dhamaan xaafadaha Magaalada Jowhar.

Todobaadyadii la soo dhaafay ayaa Ciidamada Booliska Hir-Shabeelle waxaa ay howlgallo kala duwan ka sameeynayeen Magaalooyinka Jowhar & Beledwehne, kuwaas oo kamid ah Goobaha lagu qabanayo doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka.