AKHRISO:- Guddiga xalinta khilaafkaadka doorashooyinka oo ka horyimid habraacii la soo saaray

0

Guddiga xallinta khilaaafaadka doorashooyinka ayaa sicad uga soo horjeestay habraacii doorashada Golaha Shacabka ee Gobolada Waqooyi, kaas oo ay soo saareen Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi & Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed ( Khadar).

Warsaxaafadeed kasoo baxay Guddiga ayaa waxaa lagu sheegay in Guddiga uu mas’uul ka yahey u garnaqida iyo xallinta cabashooyinka ay u soo gudbiyaan ergooyinka iyo musharixiinta ay si toos ah u saameyso xadgudubyada ka dhasha maamulka doorashada dadban 2020-
2021 uu awood sharci ah u leeyahay inuu baaritaan ku sameeyo oo uu go’aamiyo cabashooyinka iyo diidmada laga keeno arrimaha la xiriira musharaxnimada ama cod-bixiyenimada.

Sidoo kale waxaa ay sheegeen in Guddiga
uu awood sharci ah u leeyahay inuu eego oo go’aamiyo muranada lagu diido go’aanada ay gaareen guddiyada labada heer ee ku aadan kala shaandheynta ergooyinka iyo murashaxiinta u tartamaya Baarlamaanka 11-aad JFS.

” Hadaba, Cuddiga Xallinta Khilaafaadka Doorasthada Dadban ee 2020/2021 isaga oo tixraaceyna Habraaca Doorashada Golaha Shacabka ee Gobolada Waqooyi (Somaliland) ee soo baxay Tr 30/10/2021. Qodobka 3 farqadiisa 12 ee u qoran sidatan (wixii Khilaafaad ah ee ay Guddiga xulista ergooyinka beeluhu xallin kari waayaan waxaa xallin doona oo go ‘aan kama danbeys ah ka soo saaraya Guddoonka Sare ee Doorashooyinka Somaliland), isla markaana qodobkaas uu si toos ah uga hor imaanayo
mas ‘uuliyaadka loo igmadey Guddiga xalinta Khilaafaadka, aysana jirin cid kale oo awood shari ah u leh xallinta cabashooyinka ka dhusha Doorashooyinka dadban 2020-2021.

” Guddiga Xallinta Khilaafaaadka Doorashada dadban wuxuu xasuusinaynaa Guddiyada Maamulka Doorashooyinka Heer Dawlad Goboleed (SEIT) iyo Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Heer Federal (FET) in ay dhawraan dhamaan Heshisyadii ka soo baxay Golaha Wadatashiga Qaran, gaar-ahaan War-murtiyeedkii Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee soo baxay 21-22 Agoosto 2021. Qodobkiisa 2-aad ee Habraaca sulista
ergooyinka doorashada iyo Qodobkiisa Saddexaad ee Hindisaha Daahfurnaanta Doorashada 2021.

Ugu danbeyn, Guddiga Xallinta Khilaafaaadka Doorashada Dadban ayaa sheegay in, iyaga oo
gudanaya waajibaadkooda shaqo si waafaqsan Heshiiskii 17 Septembar 2020 iyo dhamaan Habraacyadii kaas baxay Golaha Wadatashiga Qaranka dhawrayana hufnaanta doorashada si ay u dhacdo doorasho hufan oo cadaalad ah ay ugu baaqayaan Gudoonka Sare ee Doorashooyinka Somaliland in ay si deg deg ah u saxaan
Qodobka 3aad farqadiisa 12 ee Habraaca Doorashada Golaha Shacabka Gobolada Waqooyi
Oo ay waafajiyaan Heshiiskii 17 Septembar 2020 iyo Habraacyadii ka soo baxay Golaha
(Somaliland).