AKHRISO:- Shabaab oo weeraray Saldhig ay leeyihiin ciidanka Puntland

0

Al-Shabaab ayaa waxaa la sheegay inay Saaka weerar madaafiic ah ku qaadeen Saldhig Ciidamada Dowlad Goboleedka Puntland ku leeyihiin degaanka Af-urur oo kuyaal duleedka Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay ku warrameen in ilaa ku dhawaad 10 madfac lagu weeraray Saldhiga, kuwaas oo ku dhacay Gudaha Saldhiga iyo hareerahiisa, balse aan weli la shaacin khasaaraha ka dhashay.

Ciidanka Puntland ayaa rasaas culus uga jawaabay weerarka Al-Shabaab, waxaana la sheegay in ay duqeeyen goobtii laga soo tuuray.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Puntland ayaa waxaa ay Warbaahinta u sheegeen in ay iska caabiyeen weerarkii madaafiicda ahaa ee lagu soo qaaday, hayeeshee aysan bixin faah faahin intaasi ka dheer.