AKHRISO:- Galmudug oo u hanjabtay dadkii taageeray Ahlusunna

0

Taliyaha Ciidamada Booliska degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud Cismaan Cali Hudeey ayaa sheegay in guud ahaan ay xaqiijiyeen amniga degmada kadib dagaalo muddo Afar Maalin ah ka socday halkaas.

Taliyaha oo Warbaahinta kula hadlay Guriceel ayaa sheegay in Bulshada degmada ay ka difaaceen Koox kusoo duushay oo dhibaato ku heeysay, wuxuuna dadkii ka barakacay Guriceel ugu baaqay inay dib u soo laabtaan.

Ugu dambeyn Taliyaha Ciidamada Booliska degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud Cismaan Cali Hudeey ayaa sheegay in cadaaladda la horkeeni doono cid kasta oo la Shaqeeysay xoogaga Ahlusunna.

“Waxaan cadeynaynaa in aan la cafin oo cadaalada lq hor geynayno qof kasta oo la shaqeeyay kooxdii magaalada laga saarey ku lug lahaa, kuwii saldhiga boobeyna waa in ay soo celiyaan agabka ku maqan oo aan ognahay qof kasta intii uu biliqeestay ayu yiri” Taliye Hudeey.

Hadalka Taliyaha Ciidamada Booliska Guriceel Cismaan Cali Hudeey ayaa kusoo aadaya saacado kadib markii hoggaanka iyo Ciidamada Ahlusunna ay isaga baxeen degmada Guriceel.