AKHRISO:- Ciidanka Nabadsugida Jubbaland oo ka hortegay qarax lagu Aasay mid kamid ah waddooyinka Kismaayo

0

Ciidanka hay’adda Nabad Sugida iyo sirdoonka Jubbaland (JISA) ayaa fashiliyay miinadan ay Al-Shabaab damacsanaayeen in ay ku dhibaateeyaan bulshada reer Kismaayo sida ay sheegeen.

Howlgalkaan ayaa dhacay xaafada Farjanno ee magaalada Kismaayo.

Hay’adda nabadsugida Jubbaland ayaa sheegtay in qaar ka mid ah dadka shacabka eek u sugan Kismaayo ay kusoo wargaliyeen.

Hay’adda Nabad sugida & Sirdoonka Jubbaland waxay uga mahad celinaysay shacabka magaalada Kismaayo sida quruxda badan ee kalsoonida leh ee ay ula shaqeynayaan laamaha amniga ugana qeyb qaadanayaan sugida amniga iyo la dagaalanka argagixisada.

Ciidanka Jubbaland ayaa maalmihii lasoo dhaafay howlgallo ka waday Magaalada Kismaayo kuwaasoo lagu xaqiijinayay Ammaanka Kismaayo.