AKHRISO:- Bashiir Goobe oo Wasiir dowle loo Magacaabay

0

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa wareegto uu soo saaray maanta oo ay taarrikhdu tahay 23//10/2021 ugu magacaabay Bashiir Maxamed Jaamac (Goobbe) Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud iyo dib u dhiska.

Wasaaraddaan ayaa horay u laheyn Wasiir dowle.

Heshiiskii dhawaan ay wada gaareen Rooble iyo Farmaajo ayaa waxaa qeyb ka ahaa in Wasiir dowle loo Magacaabo Bashiir Maxamed Jaamac.

Wasaaradda howlaha guud ayaa hadda leh wasiir iyo wasiir ku xigeen.