AKHRISO:- Dagaal geystay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Magalada Muqdisho

0

Dagaalka oo u dhaxeeyay laba maleeshiyo Beeleed ayaa Maanta waxaa uu ka dhacay Xaafada 77 oo ka tirsan degmada Dereyniile ee Gobolkan Banaadir, waxaana ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Maleeshiyaadka dagaalamay ayaa waxaa ay isku heystaan dhul ku yaalla halkaas, waxaana dadka degaanka ay Risaala u sheegeen in dagaalka uu ku dhintay hal ruux, halka laba kale ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo kala ah mid kamid ah maleeshiyaadka dagaalamay & Haweeneey ay rasaasta ugu tagtay Hoygeeda.

Dhinacyada dagaalamay ayaa weli isku hor-fadhigfa goobta uu ka dhacay dagaalka, waxaana dadka kunool Xaafada 77 ay sheegeen inay muujinayaan walaac xoogan maadaama ay dagaalami karaan maleeshiyaadka.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in dhulka labada maleeshiyo Beeleed ay Maanta ku dagaalameen uu yahay mid murankiisa uu muddo soo jiitamayay, isla markaana xal loo waayay.