AKHRISO:- Ciidamada Dowlada Itoobiya Oo Weerar Xoog Leh Ku Qaaday Jabhada Tigray

0

Ciidanka Itoobiya ayaa bilaabay weerarro dhinac walba oo ay ku qaaday jabhada ka soo jeeda waqooyiga gobolka Tigray.

Jabhada Tigray ayaa sheegtay in dawladdu adeegsanayso madaafiicda, taangiyada, diyaaradaha dagaalka iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn si ay markale dib ugu soo celiso gacanteeda gobolka Tigray.

Dowladda Itoobiya ma aysan xaqiijin wax dagaal ah, isgaarsiintii oo go’dayna waxay sababtay inaan warar madax banaan la helin.

Xubin sare oo ka tirsan Jabhadda Xoreynta Dadka Tigrayga (TPLF), Getachew Reda, ayaa sheegay in gulufkii ay dawladdu qaaday toddobaadkii hore uu hadda yahay mid dardar leh.

Mr Getachew ayaa sheegay in duullaanka hadda socda uu ka socdo magaalooyin ka tirsan gobolka Amxaarada, sidoo kalena ay ku lug leeyihiin ciidamada gobolka Amxara oo ka barbar dagaalamaya ciidanka.

Mar la weydiiyay in duulaan dhulka ah la qaaday, afhayeenka ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, Billene Seyoum ayaa sheegtay in dowladda ay mas’uuliyad ka saaran tahay inay muwaadiniinteeda ku sugan guud ahaan dalka ka ilaaliso falalka argagaxisada balse ma bixin faahfaahin intaas ka badan.