AKHRISO:- Rooble oo Guddiga doorashooyinka kala hadlay dardargalinta doorashada golaha Golaha ee gobolada waqooyi

0

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa warbixin ka dhageystay Guddiyada Doorashooyinka Heer Federaal (FEIT) iyo Gobollada Woqooyi (SEIT.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka xog wareystay halka ay marayaan howlaha u diyaar garowga doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka ku matalaya Somaliland.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay Gudoomiyaha golaha Aqalka Sare iyo sidoo kale waxaa ku sugnaa Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed.

Rooble ayaa sheegay in uu doonaayo in si deg deg ah loo bilaabo doorashada kuraasta Aqalka Hoose degaanada maamulka Somaliland.