AKHRISO:- Wasaaradda Caafimaadka oo shaacisay dad u dhintay Cudurka COVID-19

0

Wasaaradda Caafimaadka xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaaxogta Feyruska Karoona ku sheegtay in 48-kii saac ee lasoo dhaafay la baaray 3,410, balse la diiwaan geliyay 323 xaalado cusub oo COVID-19 ah, kuwaas oo laga diiwaangeliyay Muqdisho & Gobolada dalka.

Dadka Cudurka laga helay ayaa waxaa ay kala joogaan, Somaliland 241 Ruux, Puntland 48 qof, jubbaland 18 Ruux , Koonfur Galbeed 12 iyo Banaadir iyo Galmudug oo laga diiwaangeliyay min 5 Ruux.

Sidoo kale War kasoo baxay Wasaaradda ayaa waxaa lagu sheegay in dadka cudurka laga helay ay kala yihiin 187 Rag ah iyo 136 Dumar ah, halka cudurka ay u geeriyoodeen 15 Ruux, iyada oo ay ka bogsadeen 110 qofood.

Guud ahaan Cudurka safmareenka ah ee COVID-19 ayaa waxaa Soomaaliya laga diiwaangeliyay 20,900 xaaladood 1,152 dhimasho ah, halka ay ka bogsadeen 9,815, kuwaas oo ku sugan Magaalada Muqdisho & Gobolada dalka.

Wasiirka Wasaaradda caafimaadka Xukuumadda xilgaarsiinta Marwo Fowsiya Abiikar Nuur ayaa ku baaqday in dhammaan shacabka Soomaaliyeed ay qaataan talooyinka caafimaad ayna dhaqan geliyaan tillaabooyinka lagu xakameynayo COVID-19, si guul looga gaaro dadaallada sare loogu qaadayo bed-qabka bulshada.