AKHRISO:- Dagaal khasaaro geystay oo ka dhacay Gobolka Galgaduud

0

Dagaalka oo u dhaxeeyay laba maleeshiyo Beeleed ayaa waxaa uu ka dhacay deegaanka Shilan oo kuyaal Waqooyiga Gobolka Galgaduud, waxaana ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

labada maleeshiyo Beeleed ayaa dagaalkooda waxaa uu salka ku hayaa dagaalo iyo dilal aanooyin qabiil ah oo degaankaas horay uga dhacay, waxaana dagaalka Maanta ku geeriyooday laba Ruux halka tiro intaasi ka badan ay ku dhaawacmeen.

Dadka degaanka Shilan oo hoostaga degmada Balanballe ayaa waxaa ay ku warramayaan in dagaalka inta badan xoogiisa uu joogsaday, hayeeshee mararka qaar la maqlayo rasaas goos goos ah oo ay isku ridayaan labada dhinac.

Sidoo kale waxaa ay sheegeen inay dareemayaan cabsi ku aadan in dagaalka uu saameeyo degaannada kale ee Gobolka Galgaduud, halkaas oo uu horay uga dhacay dagaal xoogan oo geystay qasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Dagaalka labada maleeshiyo Beeleed Maanta ku dhexmaray degaano ka yirsan Gobolka Galgaduud ayaa kusoo aadaya xilli degaano kamid ah Gobolkaas ay ka taagan tahay xiisad u dhaxeeysa Ciidamada Galmudug iyo kuwa Ahlusunna oo Jimcihii la aoo dhaafay la wareegay degmada Guriceel.