AKHRISO:- Ahlusunna oo ku dhawaaqday go’aamo cusub

0

Taliyaha hoggaaminayay Ciidamada Ahlusunna Cali Farax Maxamed Bilaal ayaa sheegay inay si nabad ah kula wareegeen Guriceel, iyada oo uusan dhicin wax dagaal ah, isla markaana gebi ahaan ay gacanta ku hayaan Magaalada, amnigana uu yahay mid wanaagsan.

Waxaa uu sheegay in Garoonka diyaaradaha Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud aysan kasoo degi karin diyaarad sida hub iyo Ciidan, isla markaana la mamnuucday.

Waxaa uu xusay in dagaalkii shalay Ciidamada dowladda Federaalka, kuwa Galmudug iyo Ciidanka Ahlusunna ku dhexmaray degaanka Bohol ee duleedka Magaalada Dhuusamareeb, kaasi oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac.

Dhammaan ciidanka Galmudug iyo maamulka degmada Guriceel ayaa iska baxay Magaalada Guriceel, waxana ay aadeen dhanka magaalada Dhuusamareeb.