AKHRISO:- Banaanbax ka dhacay degaano kuyaal Waqooyiga Itoobiya

0

Boqolaal Ruux Shacab ah oo kunool Waqooyiga dalka Itoobiya ayaa waxaa ay Maanta bananaanbax ka dhigeen Banaan Magaalada Mekelle’ Caasimada Gobalka Tigray.

Banaan baxayaasha ayaa waxaa ay dalbanayaan in lala so gaaro Cuno iyo in Gargaar deg deg maadaama dhibaatooyin kala duwan ay wajahayaan xilligaan.

Suuqa Magaalada Makelle ayay isugu soo baxeen Dhalinyaro badan oo Gargaar dalbanaya, kuwaas oo watay boorar ku ku vudbinayeen cabashadooda ku aadan dhibaatada bani’aadanimo ee heeysata.

Mgaalada Makelle iyo degaano badan oo kuyaal Waqooyiga Itoobiya ayaa waxaa dadka kunool saameyn ballaaran ku yeeshay dagaalada u dhaxeeya Ciidamada Federaalka Itoobiya iyo kuwa Tigreega, iyada oo ay ka barakaceen Boqolaal Qoys.